Wasiirka Kaluumaysiga oo la kulmay qaar ka mid ah ganacsatada dhoofisa Kaluunka.

Wasiirka Kalluumeysiga iyo kheyraadka badda ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Ahmed Hassan Aden ayaa kulan muhiim ah la yeeshay qaar kamid ah ganacsatada Soomaaliyeed ee dhoofisa kalluunka waxaana ay ka wadahadleen horumarrada ay sameeyeen ganacsatadu, caqabdaha jira gaar ahaan canshuuraha, iyo fursadaha taagan ee u baahan in looga faa’iideeyo dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa u ballan qaaday ganacsatada in wasaaraddu kaalin wax ku ool ah ka qaadan doonto horumarinta shaqada ay u hayaan ganacsatada Soomaaliyeed ee dhoofisa kalluunka, sidoo kale ay dadaal xoogan ku bixineyso sidii loo xalin lahaa caqbaha jira gaar ahaan canshuuraha iyo lacagaha lagu kordhiyey shatiyada shirkadaha kalluumeysi ee maxaliga ah.