Madaxweynaha Galmudug oo xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Madaxweynaha maamulka Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye, oo ay wehlinayaan madaxweyne ku-xigeenka iyo Wasiika Arrimaha Gudaha dowladda Galmudug, ayaa Aqalka Madaxtooyada ku qaabilay wafdi ka socday Hay’adda Qaramada Midoobay.

Madaxweynaha Galmudug iyo Wafdiga ka socda Qaramada Midoobay ayaa ka wada hadlay arrimo ay ka mid yihiin mashaariicda hormarineed, aminiga iyo abaaraha.