Argagixisada Al-shabaab oo lacago baad ah ku soo rogay shacabka ku dhaqan degmada Tiyeeglow ee gobolka Bakool

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa bilaabay in dadkii ku ku dhaqan degmada Tiyeeglow ee gobolka Bakool ay kusoo rogaan lacago baad ah oo aysan awoodin, xilli bulshada halkaas ku dhaqan la daalaa-dhaceyso abaar aad u daran oo dadka iyo duunyadaba saameysay.

Guddoomiyaha degmada Tiyeeglow Maxamed Cabdalla Xasan Food-cade oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in badi shacabka ay ka barakaceen degmada ka dib markii ay u adkeysan waayeen dhibaatada ay argagixisada ku hayaan iyo saameynta abaarta.

“ Deegaanka waxaa ka jira abaar baaxad leh, waxayna argagixisada bilaabeen in shacabka dhibkaas ku sugan ku soo rogaan lacago baad ah oo aysan awoodin, qiimaha raashiinka iyo biyahana kor ayuu u kacay,” ayuu yiri guddoomiye Food-cade.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in shacabka degmada Tiyeeglow ay u baahan yihiin gurmad deg deg ah iyo in si wadajir ah looga hortago culeyska argagixisada Al-shabaab dadka deegaanka ku hayaan.