Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay oo gaaray Pakistan

Berlin, Germany - November 04: Antonio Guterres, High Commissioner for Refugees of UNHCR, attends a press conference in german foreign office on November 04, 2015 in Berlin, Germany. (Photo by Michael Gottschalk/Photothek via Getty Images)

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa booqasho ku tegey dalka Pakistan, si uu garab istaag ugu muujiyo dadka Preer akistan ee la baaxaa degaya dhibaatada ka soo gaaray daadadkii ku fatahay, kuwaas oo khasaare ba’an u geystay.

Antonio Guterres ayaa muddo laba maalmood ah ku sugnaan doona dalka Pakistan si uu u indha-indheeyo xaaladda bini’aadanimo ee halkaas ka jirta.

Xoghayaha ayaa sheegay in dalka Pakistan uu ka mid yahay meelaha sida daran ay u saameeyeen cawaaqibka ka dhashay isbedelka cimilada.

Dalkan oo ay ku nool yihiin in ka badan 220 million oo qof, ayaa sideda la sheegay waxuu hawada ku sii daayaa qiiqa gaaraya 1%,  marka la barbardhigo qiiqa guud ahaan dalalka caalamku hawada ku sii daayaan, taasi ayaana loo sababeeynayaa dhibatooyin farabadan oo dalkaasi ka taagan.

Culimada Soomaaliyeed  ayaa shacabka iyo ganacsatadaba  ugu baaqay in aan gabbaad la siin lana taageerin Kooxaha Argagixisada ah ee Al-Shabaab iyo Daacish xilli ay toos uga hadlayeen Telefishinka Qaranka.