Ciidamada xoogga dalka oo howlgalka ka dhan ah argagixisada Al-shabaab ka sameeyay gobolka Baay

Ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ee ku sugan gobolka Baay ayaa howlgallo ka dhan ah argagixsada Al-shabaab ka sameeyay degaano hoostaga magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah maamulka Koonfur Galbeed.

Howlgalkan oo uu hoggaaminayay Taliyaha Qeybta 60-aad Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed G/Sare Ibraahim Tifow iyo Taliyaha Guutada 8aad Qeybta 60-aad ayay si gaar ah ciidanka kaga fuliyeen deegaanada kala ah Saydheelow iyo Goof-gaduud Buureey oo dhammaan hoostaga magaalada Baydhabo.

Ujeedka howlgalkan ayaa ahaa sidii loo ciribtiri lahaa maleeshiyada Al-shabaab ee mararka qaar sida dhuumaaleysiga ku yimaada deeganadaas.

Ciidamada xoogga dalka ayaa kordhiyay howlgalada lagu naafeynayo argagixisada loogana hortagayo dhibaatada ay shacabka Soomaaliyeed ku hayaan.