Wasiirka Caafimaadka XFS oo ka hadlay qorshaha dowladda ee dhinaca caafimaadka

Wasiirka Caafimaadka Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cali Xaaji Aadan ayaa maanta ka warbixiyay qorshaha dowladda ee ku aadan  daadajinta iyo bixinta adeegga caafimaadka ee loogu talagalay qeynaha bulshada.

Wasiirka oo ka qeybgalaya Kulanka todobaadka Warbaahinta Qaranka  ayaa ka dhawaajiyay in lixda bilood ee soo socota loo howlgali doono qalabeynta cisbitaallo iyo xarumo caafimaad oo ku yaalla caasimadda dalka iyo gobolada kale ee dalka.

Wasiirka Caafimaadka XFS Mudane Cali Xaaji Aadan  ayaa sheegay in si xowli ah ay u socdaan dhaqqjita , bixinta iyo fidinta adeegga caafimaad ee ay u baahan yihiin bulshada,isagoo qiray in dhinacoda ay diyaar u yihiin barnaamijka quudinta xagga caafimaadka ee loogu talagalay dadka ku barakacay abaaraha.

Wasiirka ayaa xusay in ay wadaan  dadaal ku aadan diiwaangalinta shaqaalaha ku howlan caafimaadka iyo sidii loo heli lahaa tababarro iyo aqoon guud oo ku filan xubnaha caafimaadka .