Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Salax Axmed Jaamac , ayaa shir gudoomiyey kulankii ugu horeeyey guddi hoosaadka Golaha Wasiiradda ee dhaqaalaha kaasi oo lagu soo bandhigay warbixin ku saabsan dib u habaynta dhaqaalaha iyo dayn cafinta dalka.
Kulanka ayaa waxa lagu soo bandhigay qorshe-hawleedka tiirka dhaqaalaha iyo warbixinno ku saabsan dib-u-habaynta dhaqaalaha, guddi hoosaadkan waxa laga sugayaa inuu keeno istiraatijiyadda guud ee kobcinta dhaqaalaha, shaqo abuurka iyo maalgashiga dalka.