Mareykanka oo walaac ka muujiyay Abaaraha ka jira Soomaaliya

khabiir dhanka arrimaha bini’aadanimada ee guddiga dib u eegista macluusha ayaa Toddobaadkan saadaaliyay in qaybo ka mid ah Soomaaliya ay u badantahay inay ka dhacdo macaluul, inta u dhaxaysa bilaha Oktoobar iyo Disembar, haddii aanan la gaarsiinin gargaar la taaban karo.

“Maraykanku wuxuu aad uga walaacsan yahay saadaashan aan wanaagsaneyn iyo baaxadda baahida guud ee ka jirto Soomaaliya, Macluusha imaan karta waa natiijada ka dhalaneysa arrimo isbiirsaday, isbeddelka cimilada ayaa weli kasii socda Geeska Afrika, dhacdooyinka la saadaalinaayo waa ku u eg kuwii ka dhacay gobalka 70 sano ka hor ” ayuu yiri la taliyaha Amniga Qaranka Mareykanka Jake Sullivan.

La taliyaha ayaa sidokale sheegay in Soomaaliya iyo dalalka deriska la ah aysan weli kasoo kabsan saameyntii uu reebay COVID-19.

“Waxaa intaa dheer, duullaankii Ruushka ee Ukraine wuxuu kordhiyey qiimaha cuntada iyo shidaalka, taas oo uga sii dartay baahida bini’aadanimo, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurmad gaarsiinta dadka ay sameyeen abaaraha” ayuu markale yiri Jake Sullivan.

Mareykanka ayaa sheegay in uu horay ugu deeqay si wax looga qabto abaaraha ka jira Soomaaliya lacago gaaraya $706 milyan oo dollar.