Taliyaha ciidamad xoogga dalka oo kulan sagootin ah u sameeyay u qeybsanaha arimaha Ciidamadda ee dalka Turkiga

Taliyaha Ciidamad Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa kulan sagootin ah u sameeyay u qeybsanaha arimaha Ciidamadda ee dalka Turkiga u fadhiyay Soomaliya Col Sezer Tigli Kaas oo labadii sano ee u dambeeysay ka howlgalayay Dalka

Kulankaasi sagootinta ah waxaa ka qeyb galay Taliyaha Ciidanka Cirka Xoogga dalka Soomaaliya Jeneraal Maxamuud Sheekh Cali iyo qaar kamid ah saraakiisha Hoggaanada Taliska Xds

Ujeedka kulanka ayaa ahaa sagootinta sargaalkan dalka Turkiga dib ugu laabanayo iyadoona kulanka loogu mahadceliyay sida wanaagsan ee uu ula soo shaqeeyay Taliska Ciidanka Xds