Dagaallo khasaare loogu geystay Al-shabaab oo ka dhacay gobolka Hiiraan

Dagaal culus ayaa saacadihii la soo dhaafay ku dhexmaray degaanka Ceeleey oo Hoostaga Degmada Maxaaas ee Gobolka Hiiraan Ciidamada degaanka ee loo yaqaanno macawiisleyda iyo maleeshiyaad ka tisrasan nabad diidka Al-Shabab.

Dagaalka ayaa ka dambeeyay kadib markii maleeshiyaadka Al-Shabaab ay weerar gaadma ah ku qadeen degaanka Ceeleey oo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka degaanka, waxaana halkaasi ka dhacay dagaallo saacado badan qaatay oo soo bilaawday shalay Gelinkii dambe, soona gaaray saacadahii danbe ee xalay.

Dadka degaanka ayaa warbaahinta u sheegay in intii uu socday dagaalka argagixisada Al-Shabaab lagu gaarsiiyay khasaaro xooggan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Intii uu dagaalka socday ayaa waxaa halkaasi soo gaaray cutubyo ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka ee ku sugan degmada Maxaas.