Xaaladda abaarta ka jirta Soomaaliya oo1.5 milyan caruur ahi ay la il daran yihiin nafaqo darro ba’an.

WAR SAXAAFADEED:-

Guud ahaan dalka Soomaaliya waxaa ka jirta abaartii ugu darnayd muddo 40 sanno ah, waxayna soo jiitamaysay mudo labo sanno ah oo ay dadka iyo duunyaduba la soo tacaalayeen,6.9 milyan oo qof ayay saamaysay oo udhiganta 42% guud dadka dalka ku dhaqan, waxay ka barakicisay deeganadoodii 894 kun oo qof si ay uhelaan biyo iyo baad, halka 1.5 milyan caruur ahi la ildaran yihiin nafaqo darro ba’an.

In kastoo guud ahaan dalka ay si siman u saamaysay haddana xogta ay Dawladda Federaalka Soomaaliya (DFS) hayso waxaa ka mid ah dhulka ay ku dhaqanyihiin xoolo-dhaqato beeralayda gobolada Bay iyo Bakool, reer miyiga gobolka Gedo, deegaannada

Cadduunka iyo Hawdka ku yaal gobollada Hiiraan, Galguduud, Mudug, Nugaal, Sool iyoTogdheer,tan iyo sannadkii hore, DFS waxay samaysay dadaalo iyo talaabooyin wax lagaga qabanayo xaaladda Abaaraha, waxaana ka mid ahaa:

Nofembar 2021, In Golaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS) ku dhawaaqeen in Abaartu tahay xaalad degdegga, waxaan loo diray baaq dhammaan saaxiibada Soomaaliya, beesha caalamka iyo deeqbixiyayaasha.

Disembar 2021, Golaha XFS waxa ay ku yabooheen in bil walba 20% laga jari doono mushaharaadkooda loona isticmaali doono arrimaha gurmadka Abaaraha, hadda oo bisha,Janaayo-Abriil 2022, DFS waxay qabatay shirar lala yeelanayo Deeqbixiyaasha, Ururrada

Bulshada Rayidka, Ganacsatada iyo Culimada Soomaaliyeed si loo dardargelinayo gurmadka Abaaraha inta aysan xaaladdu sii xumaan. Waxaana la bilaabay in raashin loo qaado magaalooyinka qaar.

Maajo-Luulyo 2022 Madaxweynaha DFS waxa uu u magacaabay Ergayga Gaarka ee gurmadka Abaaraha, halka ay DFS ka heshay dawladda UAE $9.6 milyan oo loogu talogalay gurmadka Abaaraha, iyadoo tan iyo bilowgii gurmadka Abaaraha 3,200 tan oo raashin ah la gaarsiiyay dad ku dhow nus malyuun qof.

Agoosto-Sibtember 2022 Waxay ay DFS dib u hawlgelisay Hay’adda Maareynta Masiibooyinka, iyadoo la asaasaasay Guddiga Qaran ee Gurmadka Abaaraha oo ka kooban 16 xubnood oo isugu jiray Wasiiro, Culimo, Ganacsato iyo Bulshada rayidka, xoghayna u tahay Xarunta Qaran ee Hawgallada Gurmadka Degdegga ah (NEOC).

Isbuucan waxay DFS udirtay raashin 50 tan ah oo loogu talo galay 2,100 qoys oo ku sugan goobaha looga baqayo in nafaqo darro ka dilaacdo, iyadoo degmooyinka qaar la siiyay dhaqaale ay dib ugu hagaajistaan ceelasha biyaha ay ka cabi jireen.

DFS waxaa ka go’an hawlaha xoojinta iyo dardargelinta dadaallada gurmadka abaaraha si loo samata bixiyo Bulshada Soomaaliyeed ee la ildaran masiibada abaarta.

DFS waxa ay ugu baaqaysaa dhamaan Bulshada Soomaaliyeed, Saaxiibada Soomaaliya, Beesha Caalamka iyo Deeqbixiyayaashaba in loo kaco sidii loogu gurman lahaa bulshada utabaalaysan saameynta Abaaraha, loogana hortegi lahaa in ay xaaladda bani’aadanimo kasii darto.