Xoghayaha arrimaha dibadda Liz Truss ayaa loo magacaabay hoggaamiyaha xisbiga talada haya ee Conservative Party, iyadoo la wareegtay awoodda ra’iisul wasaaraha Britain , xilli uu waddanku wajahayo qalalaase nololeed iyo hoos u dhaca.
Mr.Johnson ayaa lagu qasbay inuu ku dhawaaqo is casilaadiisa bishii Luulyo ka dib bilo fadeexad ah, wuxuuna Talaadada u safri doonaa Scotland si uu ula kulmo boqorada Elizabeth oo uu u gudbin doono istiqaaladiisa.
Liz Truss waxay noqtay ra’iisul wasaarihii afaraad ee Konserfatifka tan iyo doorashadii 2015.