Maxkamadda Sare ee Kenya oo ku dhawaaqday in Ruto ku guuleystay doorashadii madaxtinimada dalkaas

Maxkamadda sare ee  dalka Kenya ayaa ku dhawaaqday maanta in  William Ruto ku guuleystay doorashadii madaxtinimo ee bishii hore ka dhacday dalkaas.

Maxkamadda ayaa  meesha ka saartay dacwadihii iyo sheegashadii  Raila Odinga ee ahaa in  la sameeyay wax is daba marin xilligii doorashada.

Go’aankaan oo maanta duhurkii kaso baxay maxkamadda sare ee dalka Kenya ayaa lagu sheegay in la laalay codsigii Raila Odinga, iyada oo ay dhammaan toddobada xubnood ee maxkamaddu isku raaceen.

Natiijada rasmiga ah  ee doorashada ayaa tilmaameysa  in Ruto oo ahaa madaxweyne ku xigeen uu ku guuleystay 50.5% codadkii la dhiibtay 9-kii Agoosto,  halka Odinga oo horay u soo noqday ra’iisul wasaare uu helay 48.8%.

Xukunka maxkamada ayaa ah kama dambays  lagamana qaadan karo racfaan.

William Ruto oo 55 sano jir ah ayaa loo dhaarin doona madaxweynaha dalka Kenya maalmaha soo socda.