Ra’iisul Wasaaraha XFS oo daah-furay qorshaha qaranka ee kaallinta haweenku ku leeyihiin amniga iyo xasiloonida dalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre ayaa maanta daahfuray qorshaha qaranka ee kaallinta haweenku ku leeyihiin amniga iyo xasiloonida dalka oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo ka hadlay munaasabadda ayaa waxa uu si qoto dheer uga hadlay doorka muhiimka ah ee haweenka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin nabadgelyada iyo amniga iyo gurmadka aabaraha.