Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo la kulmay saraakiil ka socotay Hawl-galka Tayaynta Midowga Yurub

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa maanta saraakiil ka socotay Hawl-galka Tayaynta Midowga Yurub ee Soomaaliya (EUCAP Somalia) ku qaabilay Akadeemiyada Ciidanka Booliska ee Janaraal Kaahiye,

Taliyaha iyo saraakiisaha ayaa  ka wada hadlay xoojinta wadashaqayn Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo EUCAP, si gaar ah horumarinta iyo tayaynta Ciidanka Daraawiishta ee Booliska Soomaaliyeed