Madaxweynaha Hirshabeelle oo Saraakiisha ciidamada faray in la xoreeyo deegaanada fara ku tiriska ee gacanta cadowga ku jira+Sawirro

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen oo guddoomiyey shirka amniga maamulka Hirshabeelle ayaa Saraakiisha Amniga ku amray in si degdeg ah uga hawl-galaan sidii loo xoreyn lahaa deegaanada ku haray gacanta kooxaha argagixisada.

Shirka u dhexeeyay Madaxweyne Guudlaawe iyo Saraakiisha Ciidamada Amniga ayaa waxaa si weyn loogu gorfeeyay amniga guud ee deegaanada Hirshabeelle, xogaha dhaqdhaqaaqyada argagixsada iyo howlgalada socda ee lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada ah.

Madaxweynaha ayaa saraakiisha ciidamada ku adkeeyay in si degdeg ah looga loo bilaabo xoreynta deegaanada gacanta cadowga ku jira oo dadkeedu ay la daalaa dhacayaan dhibaatooyin kala duwan, isagoo saraakiisha amniga u jeediyay inay ka jawaabaan xasuuqa argagixisadu ka geysteen deegaanka afar irdoodka ee Gobolka Hiiraan.

Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay falkii foosha xumaa ee argagixisadu ku laayeen dad shacab ah kuna gubeen hantidoodii, waxaana uu ku baaqay in si wadajir ah looga qeybgalo howgallada lagu ciribtirayo argagixisada Al-shabaab.