Argagixisada Al-shabaab oo gubay gawaari ay la socdeen dad rayid ah oo ku safrayay gobolka Hiiraan

Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ku dhow 17-ruux oo musaafur ah oo isugu jiray Haween, Caruur, dhalinyaro iyo dad da’ah oo ay argagixisada Al-shabaab kala degeen gaadiidkii ay saarnaayeen ayaa waxay ku dileen deegaanka Afar Irdood oo qiyaastii 35km jirta magaalada Beledweyn.

Wararka ayaa intaas ku daraya, in argagixisada ay sidoo kale, dab qabad siiyeen waxaa dhammaan gaadiidkii ay dadkaasi kala dageen.

Nabadoon Cilmi Maxamed Barre oo ka tirsan waxgaradka gobolka Hiiraan ayaa SONNA u sheegay in nabad-diidka Al-Shabaab ay gubeen gaadiid siday shixnado ganacsi, kuwaas oo ku sii socday degmada Maxaas iyo deegaanada ku xeeran kana soo baxay magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Weerarada argagixisada Al-shabaab ay u geysanayaan dadka shacabka ee ka soo hayaamay deegaanada abaaruhu saameeyeen ee ka kala tirsan gobolada Hiiraan iyo Galgaduud ayaa muujinaya in looga awood roonaaday howlgalada sida wadajirka ah u fulinayaan ciidamada dowladda iyo dadka deegaanadaas ku sugan.