Wasiir ku-xigeenka caafimaadka XFS oo Muqdisho kula kulmay xildhibaano iyo dhalinyaro aqoonyahan ah.

Kulankaan oo lagu qabtay magaaladda Muqdisho ayaa isugu jiray boggaadin iyo kala warqaadasho ayaa wasiir kuxigeenka wasaaradda Caafimaadka XFS Hon Dr Mohamed Hassan Mohamed waxa uu la yeeshay qaar kamid ah dhalinyarada Soomaaliyeed ee wax ku soo baartay jaamacadaha dalka Shiinaha.

Waxaa sidoo kale kulanka goob joog ka ahaa qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo wasiirkana uu kamid ahaa ardaydii horey wax uga soo baratay dalka Shiinaha kana faa’ideystay saaxiibtinimada Soomaaliya iyo Shiinaha, maadaama dowladda Shiinaha deeqo waxbarasho ay siiso Soomaaliya sanadkasta.

Muddadii kulanka uu socday ayaa dhalinyaradii soo qaban qaabisay kulankaasi waxaa ay u balanqaadeen wasiir ku-xigeenka caafimaadka Somaaliya Hon Dr Mohamed Hassan Mohamed in ay markasta garabkiisa taagan yihiin.

Dhankiisa ayuu muujiyay wasiirka sida uu ugu faraxsan yahay in uu waqti la qaato qaar kamid ah aqoonyahanka Soomaaliyeed oo ay wax ku soo barteen dalka dibadiisa,islamarkaan uu shacbka Soomaaliyeed uu ugu adeegi doono si hufan cilmigii uu soo bartay iyo mas’uuliyadda ka saaran bulshadiisa, ka wasaarad ahaan.

Boqolaal dhalinyaro Soomaaliyeed ayaa ka faaideysatay deeqaha waxbarasho ee dowladda Shinaha ay siiso Soomaaliya, iyaddoo intabadan aqoonyahanadii wax ku soo bartay dalkaasi ay aqoontooda dalka ay dib ugu soo celiyeen, islamarkaana haatan ay ugu adeegayaan bulshada.