Wasiir Fiqi oo ku baaqay in odayaasha dhaqanka ay hormuud ka noqdaan dagaalada lagu ciribtirayo argagixisada

Wasiirka Wasaaraffa Arrimaha Gudaha XFS Mudane Axmed Macalin Fiqi ayaa ku baaqay in hogaamiyaasha dhaqanka ay hormuud ka noqdaan dagaalka ay iclaamiyeed dowladda ee looga hortagayo kooxaha argagixisada”

Wasiirka oo ka qeybgalay Kulanka Todobaadka Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ay lagama maarmaar tahay In dadka laga talogaliyo sidii la isaga qaadi lahaa waxyeelada kooxaha argagixisada ee ay ku haya dadka iyo dalka.

Wasiirka Wasaaraffa Arrimaha Gudaha XFS Mudane Axmed Macalin Fiqi  ayaa ka dhawaajiyay in qorshaha dowladda uu salka ku hayo sidii odayaasha dhaqanka  ay u muujin lahaayeen doorka kaga aadan soo celinta xasiloonida iyo guud ahaan horumarka dalka.

Wasiirku,waxa uu qeybaha bulshada iyo dhaqankooda ka codsaday in la iska dulqaado  dhibaatooyinka kooxaha argagixisada ee galaaftay nolosha dadka iyo horumarada kale.