Qaramada Midoobay oo maanta booqanaya xarunta tamarta Nukliyeerka ee Ukraine

Kormeerayaasha Qaramada Midoobay ayaa manta lagu wadaa in ay booqdaan warshadda tamarta Nukliyeerka ee Zaporizhzhia oo ay gacanta ku hayaan  ciidamada  Ruushku.

Kormeerasyaasha ayaa doonaya in ay ilaaliyaan goobtaas, iyada oo ay jirto madaafiic ku dhacday xaruntaasi oo keentay cabsi caalami ah oo laga qabi karo musiibo dhacda.

Kooxda ka socota Howlgalka Hay’adda Caalamiga ah ee Quwadda Nukliyeerka (IAEA) ayaa maalinimadii shalay gaaray magaalada koonfurta ku taalla ee Zaporizhzhia oo 55 km u jirta warshaddaasai.

Madaxa IAEA Rafael Grossi ayaa sheegay in “shaqada dhabta ah” ay bilaabi doonaan manta oo Khamiis ah.

Muddo toddobaadyo ah, Ukraine iyo Ruushka ayaa midba midka kale ku eedeeyay in ay wadaan halis ku aadan warshaddaasi oo keeni kara masiibo ka daran tii Chernobyl ah.