Biden oo dhaleeceeyay hanjabaado loo jeediyay FBI-da ka dib baaritaankii Guriga Trump

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, ayaa dhaleeceeyay hanjabaado loo jeediyay saraakiisha FBI-da Mareykanka, ka dib markii ay baaritaanno ku sameeyeen Guriga madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump oo ku yaalla Florida, 8-dii bishan Augusto.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa carabka ku adkeeyay in aan la aqbali Karin in loo hanjabo muwaaddin kasta oo shaqadiisa u gudanayo si wanaagsan, waxaase ka sii daran in dhaqaalaha laga joojiyo xubno ka tirsan Booliiska iyo FBI-da, iyadoo lala xariirinaayo baaritaankii ay sameeyeen horraantii bishan.

Hadalka Biden, ayaa yimid kadib markii xubno ka tirsan waaxda amniga gudaha ee Mareykanka ay shegeen in ay khatar ka dhalan karto baaritaankii lagu sameeyay Guriga Trump.

Sarakiishii baaritaanka sameeyay ayaa la sheegay inay Guriga ka qateen 11 dukumenti oo muhiim u ahaa Trump.