Wasiirka Arrimaha dibedda dalka Turkiga oo sheegay in Tallaabooyinka Kalsooni dhisida ee u dhexeeya Ruushka iyo Ukraine ay meel wanaagsan marayso.

Wasiirka Arrimaha dibedda dalka turkiga ayaa sheegay in Tallaabooyinka Kalsooni dhisida ee u dhexeeya Ruushka iyo Ukraine ay meel wanaagsan marayso.

“Tallaabooyinka lagu dhisayo kalsoonida, sida isdhaafsiga maxaabiista dagaalka, ayaa sidoo kale si wanaagsan u socday. Waxaan sidoo kale dhexdhexaadineynay ilaa dhamaadkaas,” ayuu yiri Mevlut Cavusoglu oo ka hadlayay guddi intii lagu guda jiray shirkii 17-aad ee Istaraatiijiyadda Bled ee Slovenia.

Cavusoglu oo soo xiganayay kulamadii ay wafuuda Ukraine iyo Ruushka ku yeesheen magaalooyinka Antalya iyo Istanbul ee dalka Turkiga horaantii sanadkan ayaa sheegay in wax walba ay isbadaleen, isla markaana aysan ahayn wax fudud in xal wada hadal lagu gaaro.

Wasiirka ayaa ku nuuxnuuxsaday in xaqiiqooyinka cusub ee noocaas ah ay “hubaal” ka muuqan doonaan wada xaajoodyo dheeraad ah,” Cavusoglu ayaa sheegay in mawqifyada dhinacyada ee ku aaddan xaaladda Crimea iyo Donbas ay sidoo kale isbeddeleen.