Ra’iisul Wasaare Hamza oo kulan la qaatay Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ,Mudane Hamza Abdi Barre ayaa kula kulmay magaalada Tunis, Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Mudane Moussa Faki Mahamat.

Ra’iisula wasaaraha iyo Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika yaa ka wada hadlay xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Midowga Afrika – iyo qaabkii loo xoojin lahaa gaar ahaan dhinacyada amniga iyo siyaasadda.