Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo kulan la qaatay Ku-xigeenka Ergeyga Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Maxamed Axmed Doodishe ayaa kulan la qaatay Ku-xigeenka Ergeyga Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Anita Kiki Gbeho.

Wasiirka iyo Ergeyga ayaa ka wada hadleen xoojinta wada shaqeynta Wasaaradda iyo Hay’adaha Qaramada Midoobay,tayeynta adeegyada ciidamada booliska,in la xoojiyo wada shaqeynta bulshada iyo hagaajinta isku xirka Wasaaradaha Amniga ee Dawlad goboleedyada xubnaha ka ah dowlada Federaalka ah iyo taageerada Qaramada Midoobay.