Ra’iisul Wasaaraha XFS oo kulan la qaatay wasiir Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Aljeeriya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre, ayaa kulan la yeeshay wasiir Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Aljeeriya, Mudane, Kamel Rezig, waxayna kawada hadleen xiriirka labada dal.

Ra’iisul Wasaare Xams ayaa Dowladda Aljeeriya u gudbiyay fariin uu uga waday Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Wasiirka ayaa ballan qaaday in ay Dowladd Soomaaliya ka caawin donaan arrimaha la dagaallanka kooxaha argagixisada ah iyo arrimaha gurmad abaaraha.