Soomaaliya iyo Japan oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xalay waxa uu kulan doceed kula yeeshay magaalada Tunis ee uu ka socdo shirka caalamiga ee TICAD8, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Japan Yoshimasa Hayashi.

Labada masuul waxay ka wada hadleen xoojinta xiriirka taariikhiga ah, iskaashiga iyo wax wadaqabsiga u dhaxeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Japan.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa uga mahadceliyay dowladda Japan taageerada dhinacyada kala duwan leh ee ay siiso Soomaaliya.

Wasiir Hayashi, ayaa sheegay in dowladdiisu ay diyaar u tahay xoojinta xiriirka ganacsi, amni iyo siyaasadeed – isagoo intaa raaciyay in ay gacan ka geysan doonaan barnaamijyada horumarineed ee wax loogu qabanayo shacabka.