Ciidanka Xoogga Dalka oo deegaano hoostaga Janaale ka xareeyay Argagixisada Alshabaab

Ciidanka Xoogga Dalka, gaar ahaan Ururada 83-aad iyo 84-aad ee guutada 14-October ayaa howlgalo culus Argagixisada Shabaab uga saaray tuulooyinka Cabananey, Beeraha baay, Siigaale, Malable iyo Buulo aruundi oo dhamaantood hoostaga deegaanka Janaale ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Ciidamada ayaa jab Xooggan gaarsiiyey Maleeshiyaadkii ku dhuumaaleysanayay tuulooyinkaas, sidoo kale waxaa ay gubeen doon ay Argagixisada u adeegsan-jirtay dhibaateynta shacabka labada dhinac ee wabiga kala daggan oo ay uga kala gudbi jireen.
Taliyaha Ururka 84-aad, guutada 14October Laba xidigle Cali Mahdi Beerdiide oo Howlgalka hogaaminayay ayaa Idaacadda Ciidamada Qalabka Sida u xaqiijiyay howlgalka intuu socday inay ku guuleysteen soo saarista Miinooyin ay Nabad-diidka ku aaseen waddo isku xirta deegaanada Buufow Bacaad iyo Janaale oo ay doonayeen inay shacabka masaakiinta ah ku gumaadaan.