Shirka caalamiga ah ee TICAD8 oo si rasmi ah uga furmay caasimadda Tunis+Sawirro

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa waxa saaka madasha shirka caalamiga ee TICAD8 ku soo dhoweeyay madaxweynaha Tunisia, Mudane Qays Saciid, oo martigelinaya shirka oo si rasmi ah maanta uga furmay caasimadda Tunis.

Shirkan oo muddo labo maalmood socon doona ayaa lagu wadaa inuu khudbad ka jeediyo Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudanr Xamsa Cabdi Barre.

Wafdiga ra’iisul wasaaraha ee ka qaybgalaya shirka waxaa ka mid ah wasiirka wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga & Horumarinta dhaqaalaha, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Beene Beene, Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cali Maxamed Cumar, La Taliyaha Ra’iisul Wasaaraha ee Xiriirka Caalamiga, Dr Hodan Osman, Ku Xigeenka Xoghayaha Joogtada ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Fadumo Cabdi Cali, iyo Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Bulshada, Farxaan Jimcaale.