Wasiirka arrimaha gudaha XFS oo kulan la qaatay madaxa shaqada ee Hay’adda IOM ee Soomaaliya+Sawirro

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Ahmed Moallim Fiqi ayaa kulan la qaatay wafdi uu hogaaminayey madaxa Shaqada ee Hay’adda IOM ee Soomaaliya Mr. Frantz Celestin.

Kulanka waxa ka qeybgalay Wasiiru dowlaha wasaaradda Mud. Ilyas Ali Hassan iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda, Kulanka ayaa inta uu socday waxaa looga hadlay Arrimaha Xasilinta iyo Dib u heshisiinta.

Wasiirka Wasaaradda ayaa sheegay in ay ka go’an tahay wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya in ay si dhow ula shaqeyso Hay’adda IOM ee Soomaaliya.