Kumaandooska Danab oo howlgal qorsheysan ka fuliyey deegaaano ka tirsan Jubbada Hoose

Ururka 5aad, Guutada 16 aad ee Kumaandooska Danab XDS iyo Ciidanka Nabadsugida Maamulka Jubbaland ayaa Hawlgalo Lagu baacsanayo Argagixisada ka sameeyey Deeganada Kaanjaroon, Yaaqxaluul, Beerxaani Iyo Mudulow oo ka wada Ka Tirsan Gobalka Jubbada Hoose.

Hawlgaladaan ayaa Intii ay Socdeen waxaa Lagu Khaarajiyay 3 Dhagarqabe ,Waxaana Lagu Dhaawacay 2 Kamid ah Argagixisada, Sidoo kale Ciidanku waxay Gurmad Caafimaad U fidiyeen Dad Shacab ah oo Argagixisada ay Miino ku waxyeeleeyeen, iyadoona Ciidanka Soo bixiyeen Miinooyin ay rabeen Dhagarqabayaashu in ay ku waxyeeleeyaan Dadka Shacabka ah ee ku dhaqan deegaanadan Sida uu noo xaqiijiyey Taliyaha Ururka 5-aad Guutada 16-aad kumaandooska Danab XDS Carab dheeg Axmed.

Dhinaca kale Ciidanka Waxay la kulmeen bulshada Ku Dhaqan deegaanadan, iyagoona kala hadlay sida shacabka uu uga qeyb qaadan karo dagaalka lagula jiro Argagixisada.