Shir wadareedkii Golaha Wasiirada oo Maanta lagu wado in la soo geba-gabeeyo

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa manta lagu wadaa in uu soo xiro shirka loo dhanyahay ee Golaha Wasiirada, kaas oo shalay uga furmay Magaalada Muqdisho.

Kulanka oo shalay furmay ayaa lagu lafa-gurayaa howlaha mudnaanta u leh xukuumadda Dan-Qaran iyo habka loo xoojin karo wadashaqeynta wasaaradaha iyo hay’addaha kala duwan ee dowladda.

Mas’uuliyiinta shirka ka qeyb galeysa qaarkood ayaa Maanta hadal ka jeedin doona shirka, iyaga oo soo bandhigi doona qorshahooda Shaqo ee sanadaha soo socda iyo wax ka qabashada Arrimaha Abaaraha iyo Amniga.