Xaliima Yareey oo loo doortay guddoomiyaha golaha guud ee Ururka gudddiyada doorashooyinka Carbeed

Shirweynaha shanaad golaha guud ee guddiyada doorashooyinka Carbeed oo lagu qabtay magaalada Cammaan ee dalka Urdun ayaa waxaa guddoomiyaha Ururka loo doortay Marwo Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey), guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka.

Shirkan oo labadii sanaba mar la qabto ayaa waxaa ka soo qayb gala guddoomiyaasha iyo xubnaha guddiyada doorashada ee waddamada Carabta.

Inta uu socday shirkan waxaa dib u eegis lagu sameeyay dedaallada lagu yagleelayo Ururka dhallinyarada Carabta ee doorashooyinka iyo hawlaha hor-tebinta u leh mustaqbalka dhow,iyadoo sidoo kale lagu soo bandhigay waxqabadyadii ugu muhiimsanaa ee Ururka Haweenka Carabta ay ka gaareen doorashooyinka.

Sidoo kale waxaa shirka lagu ansixiyay warbixin sannadeedka Ururka iyo guddiga qabanqaabada doorashada Ururka dhallinyarada Carabta.