Madaxweyne Laftagareen iyo mas’uuliyiin ka tirsan IOM oo ka wada hadlay arrimaha abaaraha

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane ,Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa kulan la qaatay wafdi uu hogaaminayey madaxa gurmadka deg-degga ah ee Hay’adda IOM oo Maanta Baydhabo gaaray.

Kulanka ayaa inta uu socday waxaa looga hadlay arrimaha Abaaraha iyo sidii gar gaar loo gaarsiin lahaa dadka danyarta ah ee ku nool guud ahaan deeganada Koonfur Galbeed.

Kulanka waxaa  ka qeybgalay Wasiirro, Agaasimaha Madaxtooyada iyo Mas’uuliyiin kale.