Kulan wadareedka golaha Wasiirrada oo maanta ka furmay Muqdisho

Kulan wadareedka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho.

Kulanka oo soconaya muddo laba maalin ah ayaa lagu lafa-gurayaa howlaha mudnaanta u leh xukuumadda Dan-Qaran iyo habka loo xoojin karo wadashaqeynta wasaaradaha iyo hay’addaha kala duwan ee dowladda.

Furitaanka kulanka ayaa waxaa ka qeyb galaya Guddoomiyaha Golaha Shacabka JFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).