Wasiirka Waxbarashada XFS oo Safiirka Safiirka Shiinaha kala hadalay fududeynta waxbarashada ardayda Soomaaliyeed

Wasiirka waxbarashadda,Hiddaaha iyo Tacliinta sare XFS mudane Farah Sheikh Abdulkadir oo la kulmay Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Mudane FEISHENGCHAO, ayaa kala Hadlay fududeynta waxbarashada ardayda Soomaaliyeed ee deeqaha waxbarashadda ka hela Jaamacadaha dalka Shiinaha, kuwaasi oo aan fursad Waxbarasho ka helin 3 sano ee u danbeysay sababa la xariira Cudurka Covid-19 ee dunida ka dilaacay sanadii 2019.

Wasiirka waxbarashadda ayaa sidoo kale ka codsaday Safiirka Shiinaha sidii ardayda Soomaaliyeed ee ka qalin jabiya Jaamacadaha dalka loogu ogolaan lahaay sidii ay takhasus ugu sameyn lahaayeen Jaamacadaha dalka Shiinaha.

Safiirka Shiinaha ayaa balan qaaday in uu gacan ka gaysan doono fudueynta qodobada ay isla soo qaadeen Wasiirka waxbarashadda uuna la-wadaagi doono dowladiisa sidii loo fudueyn lahaay ka jawaabista codsiga Wasiirka waxbarashadda Soomaaliya