Wasiirka warfaafinta oo kulan la qaatay Safiirka china u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya Mudane Da’ud Aweys Jaamac ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda China Fea Shengchao

Kulanka Wasiirka Warfaafinta iyo Safiirka China oo uu goobjoog ka ahaa Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Wafaafinta Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Shiikh Al Cadaala ayaa looga hadlay xoojinta Xiriirka Wadashqeyn ee u dhexeeya Safaaradda China iyo Wasaaradda Warfaafinta.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mudane Da’ud Aweys ayaa Safiirka China uga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee Safaaradda lagarabtaagantahay Wasaaradda Warfaafinta, isagoo ka codsaday in lasii xoojiyo taageerada iyo wadashaqeynta labada dhinac.

Safiirka China Fea Shengchao ayaa isna ballanqaaday in ay xoojinayaa taageerada Safaaradda ay siiso wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska.