Wasiirka Caafimaadka XFS oo shaaciyay khasaaraha ka dhashay weerarkii argagixisadu ka fulisay Hotel Xayaat

Wasiirka caafimaadka xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji ayaa shaaciyay tirade dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay weerarkii argagixisada ay ka fulisay Hotelka Xayaat ee magaalada Muqdisho.

Wasiirka oo tagay isbitaalada la geeyay dadka waxyeelada ka soo gaartay weerarkaas ayaa sheegay in inta la xaqiijiyay 21-ruux ay ku geeriyootay weerarka halka 117-kalena ay ku dhaawacmeen.

Taliyaha Booliska Soomaaliyeed Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar), ayaa sheegay in muddadii uu socday weerarka argagixisada ku qaaday Hotelka hay’adaha amniga ay xoogga saareen badbaadinta iyo badqabka muwaadiniintii goobta ku sugnayd, waxa ayna ku guulaysteen badbaadinta dad ka badan 106 ruux oo ay ka mid yihiin carruur iyo haween.