Howlgalkii Hotel Xayaat oo lasoo afjaray iyo Taliye Xijaar oo ka hadlay

Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar oo goordhow shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in lasoo afjaray weerarkii ay argagixisadu ku qaaday Hotel Xayaat.

Taliyaha ayaa sheegay in ciidanka oo aad u taxadaraya ay ugu dambeyntii ku guuleysteen inay toogtaan dhagarqabayaashii weeraray Hotelka.

Sidoo kale Taliye Xijaar wuxuu intaas ku sii daray in khasaaraha rasmiga ah ee weerarkaas ka dhashay ay soo gudbi doonaan hey’adaha caafimaadka oo la tacaalaya dadkii ay waxyeeladu ka soo gaartay weerarka.

“Ciidamada Amniga ayaa soo gaba gabeeyay howlgalkii ka socday hotel Xayaat ee magaalada Muqdisho. 106 qof ayaa laga soo badbaadiyay hoteelka, hey’adaha caafimaadka ayaa dhawaan shaaci doona khasaaraha ka dhashay weerarkan argagaxiso ee bahalnimada ah,” ayuu yiri Taliye Xijaar.

Ciidamo iyo dad kale oo shacab ah ayaa gudaha Hotelka ka wada howlgal nadiifin ah, si loo soo saaro, meydadka dhagarqabayaasha iyo dadkii ay dileen.

Sidoo kale burburka dhismayaasha hoos tooda ayaa laga baarayaa meydad hor leh.