Farmaajo oo maanta loo dhaariyey xubin ka tirsan golaha shacabka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa hadda loo dhaariyey xubinimada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya, dhaarinta ayaa wajahday mooshin is hortaag ah oo ay keeneen xildhibaano uu hor kacayey Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.
 
Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo kulanka shir guddoominayey ayaa ogolaaday in cod loo qaado mooshinka ay keeneen xildhibaanadaas, 4 xildhibaan ayaa ka aamustay, 10 xildhibaan ayaa taageertay mooshinka, waxaana ogolaatay in Farmaajo la dhaariyo 146 xildhibaan, sidaas ayaana loogu dhaariyey xubinimada golaha shacabka.
Intaas kadib xildhibaanada ayaa guda galay ajendaha kale ee maanta hor yaalla, kaas oo ah doorashada guddoonka guddiyada golaha shacabka, kuwaas oo gaaraya 14 guddi.