QM, ATMIS, Mareykanka iyo dowlado kale oo war ka soo saaray weerarkii Hotel Hayat

Qaramada Midoobey, Ururka Midowga Afrika, dowladaha Mareykanka, Turkiga, UK iyo Norway ayaa dhamaantood cambaareeyey weerarka ay argagixisada AL-Shabaab ku qaadeen hotelka Xayaat ee magaalada Muqdisho, kaas oo xalay lasoo afjaray.

Ugu horeyn qoraal ka soo baxay xafiiska xoghahaya guud ee QM ayaa lagu yiri, “Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay waxa uu si xooggan u cambaareynayaa weerarka Argagixiso ee ka dhacay Xayat Hotel ee Magaalada Muqdisho, kaas oo billawday 19ka August, waxa aan murugada la qaybsanayaa qoysaska dhibbanayaasha & Dowladda Federaalka, Qaramada Midoobay way garab taagan tahay, Dadka dhaawacmay caafimaad degdeg ah ayaan u rajeynaa.”

Ururka Midowga Afrika ayaa dhankiisa shaaca ka qaaday inuu u rajeynayo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed soo kabasho deg-deg ah.

“Howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS wuxuu cambaareynayaa weerarka Al-Shabaab ay ku qaaday Xayat Hotel, Ciidamada Federaalka waxa aan rajeyneynaa in ay sii wadaan dagaalka ka dhanka ah Argagixisada, si loo laab qaboojiyo ehelka dadkoodu dhibaatadu ay gaarsiiyeen,” ayaa lagu yiri qoraalka ATMIS.

Dhinaca kale qoraal ka soo baxay safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa lagu yiri, “Mareykanka waxa uu si xooggan u cambaareynayaa weerarka Argagixiso ee ka dhacay Magaalada Muqdisho, gaar ahaan Xayat Hotel, bukaannada dhaawacmay waxa aan u rajeyneenaa caafimaad taam ah, murada waxa aan la qaybsaneynaa dadka ehelkooda ku dhintay weerarkaan, waxa aan garab taaganahay Soomaliya.”

Dowladaha Turkiga, UK iyo Norway ayaa horay u soo saaray qoraalo sidaan oo kale ay ku cambaareynayaan weerarkaas bahalnimada ah ee argagixisadu ay ka geysatay Muqdisho, waxayna shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed u balan qaadeen garab istaag.