Isku-duwaha Xafiiska Ergayga Abaaraha oo deeq ku wareejiyay Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS

Isku duwaha guud ee Xafiiska Ergeyga gaarka ah Abdusalam Salwe oo uu wehliyo Kaaliyaha gaarka ah ee Ergeyga Dalmar Xasan Yuusuf, ayaa 40 Konteenar oo ay ku jirto deeq gargaar ah (Raashin) ku wareejiyay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Isku duwaha, ayaa Wasiiru Dowladaha Wasaarada Arrimaha Gudaha Ilyaas Cali Xasan ku waeejiyay deeqdaan oo ah gargaar ay Dowladda Imaaraadka Carabta ugu deeqday dadka Soomaaliyeed ee abaaruhu saameeyeen, taas oo gaareysa 1,070 tan oo Dowladda Soomaaliya guddoontay 13 Agoosto 2022.

Macawinadaan, ayaa ah raashin isku dhaf ah oo ka kooban cunnooyinka aas-aasiga u ah nolosha bani’aadanka, Waxaana loogu tala-galay in wax looga qabto xaaladda nololeed ee dadka abaaruhu saameeyeen sida ay u kala daran yihiin.

Ugu dambayn, Isku duwaha oo Saxaafadda la hadlay, ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in diiradda la saaro garab istaagga dadkeenna abaarahu ceyrteeyeen.