Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya oo ku baaqay in la iska kaashado ciribtirka argagixisada kana hadlay weerarka Hotel Xayaat

Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa murugada iyo xanuunka la qeybsaday ehelada dadkii Soomaaliyeed ee ku geeriyooday weerarkii argagixisadu la beegsadeen hoteelka Xayaat ee magaalada Muqdisho.

“Waxaan Alle uga baryayaa in uu naxariistii janno ka waraabiyo intii dhimatay, dhaawacyadana deg deg u bogsiiyo.,” ayuu yiri Ra’iisal wasaarihii hore.

Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa shacabka Soomaaliyeed iyo dowladda federaalka ugu baaqay in ay iska kaashadaan sidii la isaga caabbin lahaa loona cirib tiri lahaa cadowgan har iyo habeen laynaya shacabkeenna.