Wasiirka Warfaafinta XFS ” Marxuum Hadraawi Taariikhda ayuu ku Xusnaan Doonaa”

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka & Dalxiiska Xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Da’uud Aweys Jaamac oo u waramayay warbaahinta Qaranka ayaa tacsi u diray, Qoyska, ehelada, qaraabada & guud ahaan ummadda Soomaaliyeed Geerida AUN Abwaan Maxamed I.Warsame “Hadraawi” oo maanta lagu aasay magaaladda Hargeysa, Isagoo u rajeeyay in jannadii firdowso uu alle ka waraabiyo eheladii iyo qoyskii iyo Guud ahaan ummadda soomaaliyeed oo uu ka baxayn marxuumku samir iyo iimaan ka siiyo.

Wasiirka ayaa xusay in Marxuumku uu ka mid ahaa tiirarka hal-abuurka Soomaaliyeed, door weynna ka soo qaatay ilaalinta dhaqanka, horumarinta afka iyo suugaanta, isaggoo ku tilmaamay astaan midnimo iyo nabadeed.