Madaxweynaha Hirshabeelle oo deeq gargaar ah u qeybiyey Qoysas danyar ah

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen oo uu wehliyo Madaxweyne Ku Xigeenka Hirshabeelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar ayaa maanta qeybiyay gargaar raashin ah oo ay ugu deeqeen ku dhowaad 500 oo qoys oo danyar ah oo ku nool degmada Maxaas.
Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku Xigeenka ayaa maalmahaan u jooga degmada maxaas u kuurgalka xaaladaha nololeed ee ka jira degmada maxaas oo argagixisadu ay ka jareen anteenooyinka shirkadaha isgaarsiinta, sidoo kalana ay kusoo barakaceen qaar kamid ah dadkii deganaa tuulada taadeen oo ay argagixisadu ka burburiyeen guryihii iyo ceelashii ay biyaha ka cabi jireen.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale deeq raashin ugu deeqay tuulooyinka dhowr ah oo hoos yimaada degmada maxaas oo kamid ah deegaanada laga saaray maleeshiyaadka argagixisada ah.