Ciidanka Galmudug oo gacanta ku dhigay rag lagu tuhmay Al-Shabaab

Wararka laga helayo saraakiisha laamaha amniga gobalka mudug ee Dowlad Goboleedka  Galmudug ayaa sheegaya in la hayo 3  ruux oo lagu tuhmay iney wadeen abaabul la xiriira miinooyin iyo walxaha qarkxa oo la damacsanaa in la soo galiyo magaalada Galkacyo

Ciidamada Nabad sugida iyo booliiska ayaa sheegaya in ragaasi la qabtay maalinimadii shalay,kadib howlgal qorsheysan oo ay ka sameeyeen dhulka miyiga ee hoostaga deegaanka dagaari oo 30 km dhanka koofureed ka xiga magaalada Galkacyo

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay ineey jiraan shaqsiyaad la tuhunsan yahay oo aan wali soo galin gacanta laamaha amniga balse ay socdaan baadi goobka ku aadan ragaasi.