Wasiir Fiqi oo sheegay in la dardargaliyay howlaha ku aadan gurmadka abaaraha

Wasiirka  Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS  Axmed Macalin Fiqi  ayaa sheegey iney ka shaqeyn doonaan sidii loo laba jibaari lahaa howaha kala duwan ee la xiriirta gurmadka abaaraha ee dalka .

Wasiirka ayaa xusay  in la buddhigay heyaddi qaban laheyd howlaha samofalka iyo gurmadka ee lagu badbaadinaayo dadka barakacayaasha ah ee la ildaran waxyeelada abaaraha.

Wasiirka  Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS  Axmed Macalin Fiqi   ayaa sheegay in la diyaariyay xarumihii iyo goobihii kale ee loo qorsheeyay keydadka raashinka ee ku socda dadla liita.

Wasiirku waxa uu ka dhawaajiyay in ay horyaalaan shaqo culus iyo waajibaad qaran,sidaa daraadeed,waxaa lagama maarmaan ah ayuu yiri in aan ku howlgalno wadajir iyo midnimo laga dheehan karo  daacadnimo.