MADXAFKII MIYAA DUMAY?!

Labeenta iyo miidda hadalku waa: Godlashada hal-abuurka iyo burqashada suugaanruugga mudhbaxay, fahanka, dhuuxidda, falanqaynta iyo faaqidaadda gunta gabayga, seeska masafada, xuddunta geeraarka, madiixa giishka, dananka heesaha iyo jaadadka kale ee tixda oo laga helo kobcin aqooneed iyo itaal garasho.

Maxamed Ibraahin Warsame (Hadraawi) maanta ayuu ku go’ay magaalada Hargaysa August 02, 2022

Waxa uu ahaa dugsi laga barto nolosha iyo seeskeeda. Waxa uu ahaa durdur burqanaya oo lagu oonbaxo. Waxa uu ahaa webi deeqsi ah. Waxa uu ahaa badweyn hodan ah iyo miid, magas iyo mullaax leh.

Mar kale, waxa uu ahaa abwaan gaasabaxay, cabqari anuug ah, suugaandhaadhi hela duxda hadalka iyo giraanta baanaha. Waxa uu ahaa buuni baxdow ah, oo aan looga maarmin golaha iyo geedka lagu gorfeeyo ama la isku dhaafsado dhaxdooyinka ka la duwan.

Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) waxa uu astaan u ahaa caddaaladda, sinnaanta, garsoorka cuddoon, xorriyadda, is-ahaanshaha, nabadda iyo nolosha middeeda wanaagsan. Waxa uu ka guban jiray dulmiga, eexda, gaboodfalka, kelitaliska iyo aabiga lagu la kaco aadanaha karaamaysan.

Ilaahay waxa aan uga tuugayaa inuu ka waraabiyo durdurkii iyo ishii jannadii Fardowsa. Denbidhaaf iyo naxiis mug leh ayaan Eebbe-Weyne u weydiinayaa in uu ku galllado. Eebbow adaa awood  leh, oo Qaadir ah; eebbow adaa bixiya naxariis guud iyo mid gaar ah, ee huwi addoonkaagan martida kuu ah. Eebbow adaan kaa tuugayaa in aad galiso jannadda ilwaadka iyo ugbaadka leh, farxadda iyo nolosha wanaagsan leh.

Suugaan duxdeediyo

Damalkii harka lahaa

Dadweynuhu ku hiran jirey

Madxafkii miyaa dumay?!

Garashada dirkeediyo

Durdurkii macaanaa

Dadweynuhu ku hiran jiray

Madxafkii miyaa dumay?!

Dalmarkii adduunkiyo

Daawadii cuddoonayd

Dadweynuhu ku hiran jiray

Matxafkii miyaa dumay?!

Diricii astaantiyo

Dacwadii sinnaantiyo

Dayrkii dugsoonaa

Dadweynuhu ku hiran jiray

Madxafkii miyaa dumay?!

Hadduu maanta iga dumay

Yaa dirirta hadalkiyo

Duurxulkeeda wadi kara?!

Dabarrada isdhaafiyo

Dildilaha isgarabyaal

Dacal yaa ka garan kara?

Yaa darmaanta shaaximan

Iyo duubcad waranlaha

Dusha sare ka hubin kara?

Yaa diinta hodonka ah

Hadba dacal ka eegoo

Sirta daahan helayoo

Diiwaanka nuurka leh

Dusha sare ka hubin kara?

Yaa gaboodfal daahiray

Iyo aabhi damac dhalay

Iyo eex dad lagu gubay

Iyo dawlad guriso ah

Duhurkii ushaw luli

“Dib u joogso” oran kara?

Dadweynaha saboolka ah

Danyartiyo agoomaha

Diirkooda dhalanrogan

Dakharradu ka muuqdaan

Dusha sare ka hubin kara?

Ku maa awrka dabi karaa?

Duddo yaa wax siin kara?

Yaa dayaxa  sare iyo

Najmi dumay wax fari kara?

Yaa qardhaasta daabacan

Danta guud ka hubin kara?

—–

MAXAMUUD CALI AADAN HOORRI