Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo lagu wareejiyay gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka

Xil wareejinta Gargaarka iyo maareynta Masiibooyinka oo ka dhacday Xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS.
Munaasabadaan ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Mud. Axmed Macalin Fiqi, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Mud. Ilyaas Ali Hassan iyo Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Mud.Abdihakim Hasan Ashkir.
Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Mudane Xirsi Jaamac Gaani ayaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ku wareejiyay gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka oo dhawaan golaha Wasiirada ay meelmariyeen dib u howl galinta hay’adda Maareynta iyo Masiibooyinka Qaranka.
Ugu dambayn Wasiir Axmed Macalin Fiqi ayaa uga mahad celiyey Xafiiska Ra’aysal wasaaraha soo wareejinta gargaar iyo Maareynta masiibooyinka qaranka.