Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo warqadaha aqoonsiga danjirannimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Kenya

Wasiirka wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Jaamac, ayaa ka guddoomay nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirannimo Safiirka Jamhuuriyadda Kenya ay u soo magacawday Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Danjire Jeneraal Thomas Chepkuto.

Intii lagu guda-jiray kulanka, Wasiirka Arrimaha Dibadda waxa uu soo dhaweeyay Safiirka cusub ee Kenya ee dhawaan la soo magacaabay, isagoo u rajeeyay inuu ku guuleysto howsha loo igmaday, isagoo tilmaamay muhiimadda ay leedahay in hore loo dhaqaajiyo iskaashi wadaagga ka dhexeeya labada dal ee deriska ah, iyadoo laga ambaqaadayo aragtida ballaaran ee ka shaqaynaysa dano wadaagga. Wasiirku waxa uu hambayo u mariyay Safiirka Madaxweynaha la doortay ee Kenya, Mudane William Ruto.

Dhankiisa, Danjire Thomas Chepkuto ayaa carabaabay sida uu ugu faraxsanyahay qaabiladda uu u sameeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda, isagoo ku nuux-nuuxsaday sida dalkiisu ugu faanayo xiriirka kala dhexeeya Soomaaliya, kuna dadaali doono sare u qaadiddiisa si ay ku jirto rabitaanka labada dal iyo labada dad ee saaxiibada ah.