Wasiirka Arrimaha gudaha oo la kulmay madax ka tirsan hay’adda USAID Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha,Federaalka iyo Dib u heshisiinta Mudane Ahmed Moalim Fiqi oo ay wehlinayaan Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Mudane, Ilyaas Cali Xasan ,Wasiir ku xigeenka Wasaaradda, Cabdixakiim Hasan Ashkir iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda ayaa waxaa ay Xarunta Wasaaradda kula  kulmeen wafti uu hoggaaminayo Mud. Iftikhar Ahmad Shaheen Madaxa Hay’ada TIS+3/USAID Soomaaliya.

Kulankaan oo ahaa mid isbarasho ah ayuu Wasiirka ka dhageystay Md.Iftikhar Ahmad iyo waftigiisa Warbixino ku saabsan hogaaminta dedaallada xasilinta  ee Hay’ada TIS+3/USAID.

Wasiir Axmed Macalin Fiqi ayaa ballanqaaday in  Wasaaradda Arrimaha Gudaha,Federaalka iyo dib u heshisiinta ay ka go’an tahay inay si dhow ula shaqeyso  Hay’ada TIS+3/USAID ee hoggaaminta barnaamijka xasilinta iyo dedaallada.